Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Baladweyne oo ku dhiiratay ineey nolosheeda ka maareeyso dhismaha guryaha

0
123

Baladweyne(Radio Beerlula)-Farxiyo Xassan Maxamed waa hooyo heysata afar caruur ah islamarkana ay kala tageen caruurteeda Aabahood, waxana nolosha qoyskeeda ay ka mareysa shaqada dhisida guryaha taasoo subax kasta u shaqo taga guryaha laga dhiso xaafaddaha magaalada Baladweyne.

Shaqada dhisida guryaha oo ah mid dhib badan ayaa inta badan aysan ku dhiiran haweenka basle duruufaha heysata qoysaskooda ayaa haween badan ku kalifay inay ka shaqeeyan dhismaha guryaha oo markii hore ay ku badnayeen raga.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamad Maxamuud.