Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamad ku taalla dalka Ugandha ayaa in ka badan 100 haween ah ku xukuntay midkiiba hal bil oo xarig ah si ay ugu adeegaan bulshada, kaddib markii ay qirteen inay carruurtooda u direen dawarsi magaalada caasimadda ah ee Kampala.
Maxkamada ayaa sidoo kale ka mamnuucday haweenkaasi in ay dib ugu soo laabtaan magaalada, waxaana ay amartay in dib loogu celiyo degmada ay ku nool yihiin ee Napak ee waqooyiga Ugandha, sida uu qoray wargeyska Daily Monitor.
Haweenkan ayaa ka codsaday in loo naxariisto, iyadoo qaarkood ay sheegeen inay ahaayeen xaas laga dhintay, halka kuwo kalena ay ahaayeen hooyooyin kelidood ah, sida uu ku warramay wargeyska dawladda ee New Vision.
U dirida carruurta si ay u dawarsadaan ama dadka wax u weyddiistaan waa ka soo horjeeda sharciga xagga ilaalinta carruurta ee Uganda ciqaabta ugu badanna waa lix bilood.