Hordhac: Arsenal Vs Man United: Gunners Maka Aarsan Doontaa Man United.

0
100

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulanka ugu xiisaha badan premier League ayaa ka dhici doona Emirates waxana ay Gunners marti galinaysaa kooxda Man United kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Arsenal ayaa doonaysa in ay sii wadato guulaha xidhiidhka ah ee premier League waxana ay doonayaan in ay sii wataan qaab ciyaareedkooda fiican.

Dhinaca kale Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaa wadada guulaha isla markaas gaadhaan guul.

Man United oo ah kooxda kaliya ee Arsenal ka badisay Prmeier League xilli ciyaareedkan ayaa doonaysa in ay garaacdo Arsenal mar kale premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Emirates Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League ay marti galisay kooxda Man United iyaga oo 3/1 kaga badiyay United kulankii Emirates ka dhacay xilli ciyaareedkii hore.

Man United ayaa doonaysa in ay markii 2-aad Arsenal ka gaadho 2 guul xilli ciyaareedka premier League tan ilaa markii uu Sir Alex Ferguson ka fadhiistay ciyaaraha.

Kulankan ayaa ah midkii 29-aad ee premier League ee ay Arsenal iyo Man United ku kulmeen maalin Axad ah kaliya Chelsea Vs Liverpool (32) iyo Man United Vs Liverpool (2) ayaa a kuwa ugu badan ee ciyaaray maalin Axad ah.

Man United ayaa 3/1 kaga badisay Arsenal bishii September iyada oo Gunners hogaaminayso premier League, marka kaliya ee ay koox ka badisay koox kale oo hogaaminaysa 2 kulan xilli ciyaareed kaliya ayaa ahayd sanadkii 1995 markaas oo ay United ka baidsay Newcastle.