Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Aston Villa oo uu horkacayo tababare Unai Emery ayaa gegida Villa Park maanta ku qaabilaysa dhigeeda Arsenal oo hoggaanka horyaalka mudo dheer kaddib dhawaan lagala wareegay.
Arteta ayaa dhinaciisa Arsenal kula dadaalaya inay dhibcaha qaataan oo ay ugu yaraan si kumeel-gaadh ah hoggaanka uga sii qabtaan Man City wadada guulahana kusoo laabtaan.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Villa waxa ka maqnaan doona Diego Carlos iyo Jed Steer halka kulanka kahor qiimayn taam ahaanshihiisa ah lagu samayn doono Bertrand Traore.
Arsenal waxa markale maanta ka maqnaan doona khadka dhexe ee Thomas Partey oo dhaawac muruqa ah ku seegay kulankii Man City, saxafi Chris Wheatley ayaa sheegay in Arteta uusan doonayn inuu halis galiyo.
Ben White ayaa daafaca midig kusoo laaban kara kaddib qalad dilaa ah oo uu Tomiyasu ka sameeyay kulankii City halka Jorginho markale doorkii Partey ciyaari doono.
Waxa jirta fursad uu Arteta weerarka ugu soo bilaabi karo Leandro Trossard oo ka garab ciyaaraya Nketiah iyo Bukayo Saka iyadoo la nasinayo Gabriel Martinelli oo hoos u dhac ku yimid.
Shaxaha Macquulka Ah
Aston Villa (4-4-2): Martinez; Young, Konsa, Mings, Digne; Ramsey, Kamara, Luiz, Buendia; Watkins, Bailey
Arsenal (4-3-3): Ramsdale;, Ben White, Saliba, Gabriel; Zinchenko; Odegaard, Jorginho, Xhaka; Saka, Nketiah, Trossard
Xogta Kulanka
Tartanka: Premier League
Garoonka: Villa Park
Wakhtiga: 3:30 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Simon Hooper