Hordhac: Athletic Bilbao vs Barcelona oo caawa Ciyaaraya

0
355

Baladweyne(Radio Beerlula)- Garoonka San Mamés  ayaa martigelin doona kulanka xiisaha badan ee caawa ay ku daah furi doonaan horyaalka La Liga ee dalka Spain kooxaha Athletic Bilbao vs FC Barcelona, kaasoo ay wada sugayaan jamaahiirta kubadda cagta ee caalamka oo dhan.

Kooxda reer Catalonia ee Barcelona ayaa caawa marti ugu noqon doonto Athletic Bilbao garoonka San Mamés, waxayna labada kooxood ay kulankan ku daah furi doonaan horyaalka La Liga xili ciyaareedka cusub ee 2019/20.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: La Liga

Kulanka: Athletic Bilbao vs Barcelona

Taariikhda: Jimco, 16 Agoosto 2019

Saacadda: 10:00 habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: San Mamés.

Garsoorka: Carlos Del Cerro Grande.

Wararka labada kooxood:

Barcelona:

Xiddigaha caawa ka maqnaan doono iyo kuwa shakiga la galinayo inay seegi doonaan kulanka caawa waxaa ka mid ah, Lionel Messi, Arthur, Jean-Clair Todibo, Neto, Moussa Wagué, Arturo Vidal.

Athletic Bilbao:

Kooxda martida loo noqon doono kulanka caawa xiddigaha shakiga la galinayo iyo kuwa ka maqan waxaa ka mid ah, Gorka Guruzeta, Iñigo Martínez, Iñigo Córdoba, Ibai Gómez

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Athletic XI: Simón; De Marcos, Yeray, Martínez, Balenziaga; Unai López, Dani García; Muniain, Raúl García, Yuri; Iñaki Williams

Barcelona XI: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Alba; Roberto, Busquets, De Jong; Dembélé, Suárez, Griezmann.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here