Hordhac: Athletic Bilbao Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kulankan.

0
209

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Real Madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Athletic Bilbao kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka soo laabtaan guuldaradii Villarreal ee horyaalka La Liga.

Dhinaca kale Athletic Bilbao Ayaa dhinaceeda doonaysa in ay ka soo laabato natiijooyin xun oo ay ku jirto kulamadii ugu dambeeyay horyaalka.

Kulanka: Athletic Bilbao Vs Real Madrid.

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: San Mames Barria

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

 

Athletic Bilbao ayaan badin 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Real Madrid horyaalka la Liga iyaga oo guuldaro la kulmay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay waana rikoodhkooda ugu badan ee guuldarooyinka xidhiidhka ah.

 

Real Madrid ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Athletic Bilbao la ciyaartay horyaalka la Liga, iyaga oo 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ku badiyay min hal gool.

Real Madrid ayaan guuldaro la kulmin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay gobolka Basque tan ilaa markii ay guuldaro 3/1 ah kala kulmeen Real Sociedad bishii May 2019.

Athletic Bilbao ayaan laga badin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay ku ciyaartay garoonkooda iyaga oo aan laga dhalin wax gool ah