Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda hoggaaminaysa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa haysata fursada ay hal talaabo ugu jirsan karto ku guuleysiga horyaalka La Liga 15 dhibcoodna hoggaanka kaga qaban karto Real Madrid.
Barca ayaa Camp Nou caawa kula ballansan kooxda ay gobolka Catalonia kasoo wada jeedaan ee Girona oo booska 11-aad kaga jirta kala sarreyntya La Liga.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Xavi Hernandez waxa markale ka maqnaan doona xiddigaha muhiimka u ah ee Ousmane Dembele, Pedri, Andreas Christensen iyo Frenkie de Jong oo dhaawacyo kala duwan qaba.
Daafaca Barca ayaa lagu wadaa inay markale kusoo wada bilawdaan Kounde iyo Balde oo garbaha ah iyo Araujo iyo Alonso oo daafaca dhexe ah.
Gavi iyo Franck Kessie ayaa khadka dhexe kala ciyaari kara kabtan Sergio Busquets halka Ansu Fati heli karo fursad uu weerarka kagala ciyaaro Raphinha iyo Robert Lewandowski.
Dhinaca Girona waxa maqnaan doona Borja Garcia, Joel Roca, Alexander Callens, Yangel Herrera iyo Ibrahima Kebe oo dhammaantood dhaawacyo ku seegaya ciyaartan.
Shaxaha Macquulka Ah
Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Kounde, Araujo, Alonso, Balde; Kessie, Busquets, Gavi; Raphinha, Lewandowski, Fati
Girona (4-1-4-1): Gazzaniga; Martinez, Bueno, Lopez, Hernandez; Romeu; Tsigankov, Martin, Garcia, Villa; Castellanos
Xogta Kulanka
Tartanka: La Liga
Garoonka: Camp Nou
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa