HORDHAC: Barcelona v Real Madrid

0
240

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Barcelona ayaa caawa gegida Camp Nou ku qaabilaysa dhigeeda xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Real Madrid lugta labaad ee afar dhammaadka Copa Del Rey.

Barca ayaa haysata faa’idada iyo gacanta sarre maadaama ay lugtii hore 1-0 kusoo badisay, Los Blancos oo hoggaanka La Liga 12 dhibcood lagaga hayo ayaa u dagaalami doona gaadhista Finalka Copa Del Rey.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Barcelona waxa dhaawacyo kaga maqnaan doona Christensen, Frankie De Jong, Ousmane Dembele iyo Pedri oo dhammaantood asaasi ka ah shaxdooda.

Alonso ayaa la filayaa inuu Araujo daafaca dhexe kala ciyaaro, Kessie ayaa khadka dhexe kala soo muuqan doona Gavi iyo Busquets halka lagu wado in Fati weerarka kala ciyaaro Raphinha iyo Lewandowski.

Real Madrid dhinaceeda waxa ka maqnaan doona labada daafac ee Ferland Mendy iyo Antonio Rudiger.

Camavinga ayaa markale daafaca bidix dheeli kara iyadoo Alaba, Militao iyo Carvajal afarta daafac la dhammaystirayaan.

Rodrygo oo kulankii hore wacdarro dhigay ayaa lagu wadaa inuu weerarka Real Madrid kala ciyaaro Vinicius iyo Benzema.

Shaxaha Macquulka Ah

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Kounde, Araujo, Alonso, Balde; Kessie, Busquets, Gavi; Raphinha, Lewandowski, Fati.

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militão, Alaba, Camavinga, Valverde, Kroos, Modric; Rodrygo, Benzema, Vinicius

Xogta Kulanka

Tartanka: Copa Del Rey

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Juan Martinez

Garoonka: Camp Nou