Hordhac: Brighton Vs Chelsea: 89 Sano Ka Hor Ayaa Ugu Dambeeysay Chelsea

0
30

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Chelsea Graham Potter ayaa ku laaban doona kooxdiisii ​​hore iyadoo uu ka maqan yahay daafaca Kalidou Koulibaly. kaasoo weli dhaawac jilibka ah ku maqan.

Reece James, Wesley Fofana iyo N’Golo Kante waxa ay maqnaanayaan muddo dheer

Xogta Kulanka

Chelsea ayaan laga badinin 17 kulan oo ay la ciyaartay Brighton tan iyo guuldaradii 2-1 ee FA Cup oo ay marti ahaayeen kulankoodii ugu horeeyay January 1933 kii (12 guul iyo 5 barbaro).

Si kastaba ha ahaatee, afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay ayaa ku dhamaaday barbaro.

Chelsea ayaan laga badinin dhamaan sagaalkii kulan ee ay ciyaartay iyadoo uu hogaaminayo macalinka cusub ee  Graham Potter, waxa ayna badiyeen lix kulan.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa shan kulan oo Premier League ah ka soo muuqday isagoo aan wax gool ah ka dhalin Brighton.