Hordhac: Chelsea Vs Man United

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa kulan adag waxa ay ku marti gilineysaa United , waxa uuna imaanaya xilli labada dhinac ay ku jiraan bandhig wacan

Xogta Kulanka

Chelsea ayaan wax guul ah gaarin sagaal kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Manchester United, lix barbaro iyo saddex guuldarro.

Red Devils lagama badin lix kulan oo ay martida u ahaayeen Chelsea tartamada oo dhan (3 guul, iyo 3 barbaro).

Ma jiro kulan Premier League ah oo soo saaray bar-baro ka badan 25-kii kulan ee dhex maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin todobadii kulan ee ay ciyaartay tan iyo markii uu Graham Potter la wareegay shaqada isaga oo badiyay shan kulan.

Blues ayaa sidoo kale laga badin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda,waxa ayn badisay seddex kulan oo xiriir ah garoonka Stamford Bridge.

Cesar Azpilicueta ayaa barbareyn kara Petr Cech 333 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Chelsea.

Manchester United ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, halka kulanka kalena laga badiyay.

Marcus Rashford ayaa 5 gool iyo laba caawin ka sameeyay Chelsea tartamada oo dhan.