Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Chelsea ayaa kulan xiiso badan kula yeelaneysa garoonkeeda isla Kooxda Reer Londone ee West Ham kulan katirsan horyaalka Premier League .
Bules ayaa maanka ku heysa guul daradii soo gaartay Kooxda Arsenal oo lowgu adkaaday 1-0 shalay galab kaddib ciyaar ay la qaateen kooxda Everton.
Loolanka booska kaalmaha afarta sare ayaa markale is badal ku imaan kara madaama Arsenal ay iska qasaariyeen dhbco misane Bules ay doonayaan in fursadan ay ka faaideystaan .
Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :
Chelsea garabkooda Callum Hudson-Odoi ayaa sameenka kara safashadiisii labaad oo xiriir ah kaddib markii qaab ciyaareed qurux badan uu soo badhigay kulan ciyareedkii ay la ciyareen kooxda Brighton.
Marco Alonso iyo Pedro ayaa dhaawacyo ku seegaya kulanka balse xidigaha kala ah Gonzalo Higuain, Willian iyo Ross Barkley ayaa dib ugu soo laabanaya kooxda kaddib markii la nasiyey kulankii arbacada .
Laacibka reer Barazil ee Felipe Anderson ayaa markii ugu horeeyey u safanaya Kooxda West Ham tan iyo bishii –March kaddib dhaawac canqowga ka soo gaaray , balse hada waxa uu diyaar u yahay kulanka caawa ee ay la ciyarayaan kooxda Chelsea .
Xiidgaha kala ah Samir Nasri iyo Ryan Fredericks ayaa sidoo kale ka soo kabsaday dhaawacyo ay qabeen mudooyinkii ugu dambeeyey .
Ogyesiiska Ciyaarta :
Kulanka : Chelsea VS West Ham United ( Premier League )
Goobta : Stamford Bridge
Goorta : 10:00 oo habeenimo
Garsoorka : Christopher Kavanagh
Xaqiiqooyinka Ciyaarta laga diwaan giliyey :
Chelsea ayaa guul daro la’aan ah 12-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay garoonkeeda ku wajahday Kooxda West Ham horyaalka Premier League tan iyo qasaarihii 2-3 ay kala kulmeen bishii September 2002 , wixii waqtigaa ka dambeeyey Chelsea ayaa badisay 8-kulan halka ay bareejo galeen afar kulan .
West Ham ayaa guul daro la’aan noqon karta afar kulan oo Premier League markii ugu horeyey tan iyo 19-sano kaddib iyaga oo markaas wajahaya Kooxda Bules .
Chelsea ayaa badin karta sedex kulan oo Premier League oo xiriir ah markii ugu horeeyey tan iyo shantii kulan ee ugu horeey ee bilowga horyaalka oo ay guulo xiriir ah ay gareen .
Kaliaya hal kulana aye ku qasaareen iyaga oo ku ciyaara garoonka Stamford Bridge (10-guul iyo 5-bareejo)kulanka guul darada ee garoonkooda ku soo gaaray waxa ay kala kulmeen kooxda Leicester 22 December.
West Ham ayaa guul la’aan ah lix kualn oo ay ku soo ciyareen banaanka , iyaga oona qasaaray shan ka mid ah tan iyo guushii aya ka gareen 27 December Kooxda Southampton .
Safafka macquulka ah ka hor kulanka :