Hordhac: Liverpool Vs Man United: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiisaha Leh.

0
91

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulanka ugu xiisaha badan premier League ayaa dhexmari doona kooxaha Man United iyo Liverpool kulan ka dhacaya Anfield.

Kooxda Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii haystaan hogaanka premier League.

Dhinaca kale Man United ayaa doonaysa in ay ka baxdo rikoodhkeeda xun ee kulanka Liverpool.

Kulanka: Liverpool Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, iyagoo dhaliyay ugu yaraan afar gool mid kasta oo kamid ah guulahaas.

Kooxda Man United ayaa sideed kulan oo horyaalka iyo koobabka ah guul la’aan ku gaartay Anfield, iyagoo dhaliyay kaliya hal gool.

Waxa ay badiyeen afar ka mid ah 18 kulan oo ay wajaheen kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool (7-bar-baro, iyo 7 guuldarro).

Kulankaan waxa uu soo saaray 17 kaar oo casaan ah oo Premier League ah – kaliya kulamo u dhexeeya Everton iyo Liverpool ayaa la arkay wax ka badan.