Hordhac: Man City Vs Arsenal: Guardiola Oo Rikoodh Aan La Aamini Karin Ku Leh Arsenal,

0
116

Baladweyne ( Radio Beerlula )- Kooxda kubada cagta  Man City ayaa marti galin doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan Wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona garoonka Etihad.

Man City ayaa doonaysa in ay sii wadato tartanka waxana ay doonaysaa in ay garaacdo kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Arsenal.

Dhinaca Hogaamiyayaasha Horyaalka ayaa ka hor tagi dona kooxda difaacanaysa premier League kulan ay awoodeeda ku tijaabin doonto kooxda Man City.

Kulanka: Man City Vs Arsenal

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 11:00

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa badisay 13 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Arsenal tartamada oo dhan intii uu Pep Guardiola hogaaminayay si kasta ha ahaatee labadii guuldaro ee ay kala kulantay Arsenal ayaa yimid FA Cup-ka.

Arsenal ayaa badisay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Man City ka hor tagtay FA Cup-ka, waxa intaas sii dheer in ay gaadheen final-ka FA Cup-ka mar kasta oo ay reebeen Man City isla markaas ku guulaysteen 3 ka mid ah (1971, 2017 iyo 2020).

Man City ayaa badisay 9-kii kulan ee ay FA cup ku ciyaartay garoonkeeda iyaga ugu yaraan dhaliyay 3 gool kulan kasta, guud ahaana dhaliyay 40 gool.

Arsenal ayaa laga badiyay kulankii ugu dambeeyay ee ay FA Cup-ka la ciyaartay koox premier League ah iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Southampton wareegii 4-aad ee xilli ciyaareedkii hore, laakiin 2 guuldaor oo xidhiidh ah lama kulmin tartanka tan ilaa Jannuary 2010 iyo March 2011.