HORDHAC: Man United vs Brighton

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)-Man United waxay weli ku riyooneysaa inay isku qaado labo koob xilli ciyaareedkan iyagoo maanta u safraya Wembley halkaasoo ay semi-finalka FA Cup kula balansan yihiin kooxda mayalka adag ee Brighton.

Kooxdii badisa maanta waxay finalka FA Cup la ciyaari doontaa kooxda Manchester City oo shalay semi-finalkii ka soo gudubtay kooxda Sheffield United.

Ka dib markii Man United laga soo reebay Europa League koobka kaliya ee u haray ay qaadi karto waa FA Cup iyagoo hore ugu soo guuleystay koobka Carabao Cup.

MAXAA KA CUSUB?

Guushii ugu danbeysay ee Brighton ay ka gaartay Chelsea waxaa sidoo kale ka soo gaartay qasaaro madaama ay ka dhaawacmeen Joel Veltman iyo Evan Ferguson oo aan ciyaari doonin ciyaarta semi-finalka ee maanta.

Waxaa sidoo kale Brighton ka dhaawacan Jakub Moder, Tariq Lamptey, Adam Lallana iyo Jeremy Sarmiento.

Dhanka Man United waxaa hareeyay dhaawacyo badan gaar ahaan dhanka daafaca, waxaana taasi sii xumeeyay Harry Maguire oo ganaax ku seegaya ciyaarta semi-finalka ee maanta.

Iyadoo ay dhaawacyo ku maqan yihiin Lisandro Martinez iyo Raphael Varane, waxaa la filayaa in Victor Lindelof iyo Luke Shaw ay ka ciyaari doonaan boosaska daafaca dhexe.

United waxaa sidoo kale dhaawac ka ah Tom Heaton iyo Alejandro Garnacho si la mid ah Donny van de Beek halka Scott McTominay la qiimeyn doono xaaladiisa ka hor kulankaan iyadoo Antony Martial ay jug soo gaartay kulankii Sevilla.

Bruno Fernandes ayaa ku soo laabanaya shaxda ka dib markii uu ganaax uga maqnaa kulankii Europa League halka Marcus Rashford uu taam soo noqday, waxaana la filayaa inuu booska kala baxo Jadon Sancho.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Brighton & Hove Albion: Sanchez; Gross, Webster, Dunk, Estupinan; Caicedo, Mac Allister; March, Enciso, Mitoma; Welbeck

Manchester United: De Gea; Wan-Bissaka, Lindelof, Shaw, Malacia; Casemiro, Eriksen; Antony, Fernandes, Rashford; Weghorst