Hordhac; Manchester United vs Astana

0
312

Baladweyne(Radio Beerlula)- Manchester United ayaa caawa bilaabeysa xilli ciyaareedkeeda Europa League marka ay garoonkooda Old Trafford ku soo dhaweeyaan kooxda Astana.

United ayaa ka qeyb galeysa tartanka labaad ee kooxaha Yurub markii seddexaad ee shan xilli ciyaareed gudahood ka dib markii ay kaalinta lixaad ku dhameysteen xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdiisa wadada saxda ah ku soo ridaya inkastoo dhaawacyo ay hareeyeen.

Kooxda heysata horyaalka Kazakhistan ee Astana ayaa rajeyneysa inay natiijo fiican kala soo laabato kulankii ugu horeysay ee ay koox Ingariis ah la ciyaarto.

  • Manchester United vs Astana

  • Europa League: Group L

  • Goobta: Old Trafford

  • Taariikhda: 19ka September, 2019

  • Waqtiga: 10pm Saacada Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here