Hordhac Newcastle Vs Chelsea :

0
9

Baladweyne (Radio Beerlula)-Chelsea ayaa Newcastle ka hor tageysaa iyadoo hamineysaa in guul ay gaarto si uga bad baado rikooro aad u liita oo ay diiwana gilin karaan haddii ay guul dareystaan

Xogta Kulanka

Chelsea ayaa badisay 11 ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan labadii kulan ee horyaalka xilli ciyaareedkii hore: 3-0 meel ka baxsan garoonkeeda October 2021 iyo 1-0 gurigooda bishii March ee sanadkan.

Newcastle ayaa laga badiyay afar kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay wajahday Chelsea iyadoo aan wax gool ah dhalin tan iyo markii ay 1-0 kaga badiyeen St James Park bishii Janaayo 2020.

Newcastle ayaa ka mid noqon doonta afarta sare ee Premier League marka la gaaro Christmas-ka markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2001-02.

Magpies ayaan wax guuldaro ah la kulmin todobadii kulan ee furitaanka garoonkeeda xilli ciyaareedka  ee Premier League markii ugu horaysay muddo 27 sano ah.

Newcastle ayaa diiwaan galin karta shan guul oo isku xigta oo Premier League ah markii ugu horeysay sideed sano gudahood.

Chelsea ayaa halis ugu jirta in laga badiyo seddex kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo bishii May ilaa Ogosto 2006 oo uu maamulayay Jose Mourinho.

Chelsea ,waxay la kulmi karaan seddex guuldarro oo isku xigta oo horyaalka ah markii labaad oo keliya qarnigaan, ka dib Oktoobar ilaa Novembar  2015 – sidoo kale markii Mourinho uu ahaa tababaraha.

Chelsea ayaa halis ugu jirta in ay shan kulan oo isku xigta oo Premier league ah wax guul ah gaadhin markii ugu horaysay tan iyo 7dii October ilaa December 2012.

Blues ayaa banaanka ka ahaan doonta afarta sare ee Premier League maalinta Kirismaska ​​​​markii seddexaad kaliya 21 xilli ciyaareed.