Hordhac: Nottingham Forest Vs Liverpool

0
41

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool ayaa kulan loo badinayo in natiijo wax ku ool ah kala soo laabanayaan waxa ay la leeyihiin kooxda Nottingham Forest

Xogta Kulanka

Liverpool ayaa badisay kala bar 100-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka laakiin Forest ayaan laga badinin 12 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda tan iyo markii looga badiyay 2-0 28 October 1984.

Liverpool ayaa garoonkeeda City Ground 1-0 uga badisay kooxda Nottingham Forest kulan ka tirsan wareega 8 dhamaadka FA Cup-ka xilli ciyaareedkii hore waxaana u dhaliyay Diogo Jota.

Forest ayaan wax guul ah gaarin sagaal kulan oo Premier League ah, waana waqtiga ugu dheer ee hadda la ciyaaro horyaalka (D3, L6).

Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay badiso mid ka mid ah afartii kulan ee horyaalka ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan (D2, L2).

*Reds ayaan wax guuldaro ah la kulmin 16 kulan oo Premier league ah oo ay meel ka baxsan garoonkeeda kula ciyaartay kooxaha soo daladay tan iyo guuldaradii 2-0 ay ka soo gaadhay Hull City  bishii February 2017 (W11, D5)