Hordhac: Qatar Vs Ecuador: Koobka Adduunka Oo Bilaaban Doona & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Furitaanka.

0
11

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxa la bilaabayaa koobka adduunka Qatar 2022 kaas oo si weyn adduunka oo dhan laga sugayo isla markaas la filayo in uu noqdo midkii ugu fiicnaa taariikhda koobka adduunka.

Waxa tartanka lagu furi doona kulan dhex mari doona xulka dalka Marti galin doona koobka adduunka ee Qatar kaas oo la ciyaari doona xulka Ecuador.

Xulka Qatar ayaa markii ugu horaysay ka ciyaari doona cursiga caalamiga ah waxana ay la ciyaari doonaan xulka ka socda Latin America ee Ecuador.

Kulanka: Qatar Vs Ecuador

Tartanka: Koobka Adduunka

Wakhtiga: 7:00

Garoonka: Al Bayt Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Xulalka Qatar & Ecuador ayaa horay u kulmay 3 jeer kuwaas oo dhamaantood ka dhacay dalka Qatar, iska hor imaadkan ayaana ah mid isku dheeli tiran iyada oo xul walba badiyay hal kulan halka ay bar-baro galeen midka kale.

Qatar ayaa markii ugu horaysay Abid ka qayb qaadanaysa koobka adduunka waxana ay noqon doonaa dalkii ugu horeeyay ee carbeed ee marti galiya tartanka waxana ay isku dayi doonaan in ay noqdaan kaliya xulkii 2-aad ee wareega Group-yada kaga hadha koobka adduunka kadib South Africa oo siaas ku dhacday 2010.

4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee lagu furay koobka adduunka waxa laga dhaliyay guud ahaan 17 gool, halka uu koobka adduunkan noqon doono markii ugu horaysay ee la bilaabo maalin Axad ah tan ilaa 1982 iyada oo Belguim 1/0 kaga badisay kulan ka dhacay magaalada Barcelona.

Xulka Senegal ayaa ah xulkii ugu horeeyay ee badiyay kulankiisii ugu horeeyay ee koobka adduunka kadib markii ay 1/0 kaga badiyeen xulka France oo difacanayay koobka adduunka sanadkii 2002.