Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Real Madrid oo dharbaaxo kulul kala soo kulantay kooxda Velencia dhawaan ayaa caawa waxa ay garoonkeeda ku marti qaadeysaa Kooxda Eibar kulan ka tirsan horyaalka La Liga .
Zidan ayaa caawa doonaya in uu iska tir tiro ceebtii ka soo gaartay Kooxda Velencia oo saxaafda Spain si weyn ay kaga hadashay , Madrid ayaa dhex dabaalaneysa xaaladeedii ugu xumeyd ee xili ciyareedkan.
Wararka labada kooxda ka hor kulanka :
Nacho ayaa dib ugu soo laabanaya kooxdiisa kaddib markii uu ganaax ku seegay kulan ciyareedkii guul darada ay kala kulmeen kooxda Velencia bartamihii asbuuca .
Marcelo ayaa kulankan ku seegaya ganaax kaddib markii ay u buuxsameen jaalayaal waxaana booskiisa badali doono da’yarka dadaalka badan ee Sergio Reguilon .
Isco iyo Gareth Baleayaa ku soo bilaaban kara labada garab ee weerarka si ay u caawiyaan dhaliyaha saree ee reer France Karim Benzema .
Dhiaca kale Eibar waxaa dib safkooda ugu soo laabtay Marc Cucurella oo soo qaatay kulan ganaax ah waxa uuna ka ciyaari doono dhica bidix ee khadka dhexe .
Pape Diop ayaa ka ganaxaan Kooxda Eibar waxaa loo badinayaa in booskiisa uu buuxiyo Gonzalo Escalante oo lala mataaneen doono Joan Jordan qeebta dhexe ee garoonka .
Pedro Leon ayaa rajeenaya in uu heelo dooqa garabka midig ee weerarka balse waxa uu tartan kala kulmayaa Fabian Orellana .
Ogeysiiska ciyaarta :
Kulanka : Real Madrid VS Eibar ( La Liga )
Goobta :Santiago Bernabeu
Goorta :5:15 oo galabnimo
Garsoorka :Pablo Gonzales Fuertes
Xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey ka hor kulanka :
Eibar ayaa ku guul dareesatay 10-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda kulamda horyaalka (La Liga).
Real Madrid ayaa guul daro la’aan ah shantii kulan ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaarto garoonkeeda iyaga oo markaas wajahaay kooxda Eibar dhamaan tartamada .
Eibar ayaa samesay rikoorkeeda ugu wanaagsan ee dhalinta goolal xili ciyareedkan iyaga oona dhaliyey 40-gool 30-kulan oo ay horyaalka ka ciyareen .
Kooxda lagu naaneeso Los Armeros ayaa laga dhalinayey afar gool shantii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahdo koox ka dhisan caasimada.
Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :