Hordhac: Real Madrid Vs Liverpool

0
121

Baladweyne (Radio Beerlula)-Liverpool ayaa hamineysa in soo laabasho taariikhiga sameyso kulanka lugta labaad ee wareegga 16-ka Champion-ka , haddii sidaas sameyaanna rikoor ayay dhigayaan

Xogta Kulanka

Real Madrid ayaa badisay lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay ee UEFA Champions League ay wajahday Liverpool (hal bar bar dhac), iyadoo laga badiyay seddexdii kulan ee ugu horeysay ee ay Reds la ciyaarto European Cup/Champions League.

Liverpool ayaa ka mid ah afar kooxood oo Ingiriis ah oo marti ku ah  garoonka Real Madrid kuwaas oo badiyay tartamada Yurub, waxaana ku wehliya Arsenal, Man City iyo Chelsea. Si kastaba ha ahaatee, Reds ayaa laga badiyay labadii booqasho ee ugu dambeysay tan iyo guushii 1-0 ee bishii Febraayo 2009.

Real Madrid ayaa ka soo gudubtay 26 ka mid ah 27-kii kulan ee ugu dambeeyay ee European Cup/UEFA Champions League markii ay lugtii hore ku soo badisay meel ka baxsan garoonkeeda, marka laga reebo guuldaradii ka soo gaartay Ajax heerkan oo kale xilli ciyaareedkii 2018-19 (2-1 marti ah, 1-4) gurigooda).

Lugtii hore Liverpool ayaa laga dhaliyay shan gool kulan Yurub ah waana markii labaad ee taariikhdeeda (1-5 vs Ajax December 1966).

Liverpool ayaa ka mid ah afar kooxood oo ka soo baxay tartanka UEFA Champions League iyada oo lugtii hore looga badiyay 3+ gool, sidaana waxay ku sameeyeen Barcelona semi-finalkii 2018-19 (0-3 marti ah, 4-0 gurooda)