HORDHAC: Sevilla v Man United

0
190

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Manchester United oo doonaysa inay boos ka samaysato wareega afar dhammaadka UEFA Europa League ayaa kulan adag caawa marti ku ah magaalada Seville oo ay ku booqanayaan kooxda Sevilla.

Kulankii lugta hore ee ka dhacay Old Trafford ayaa kusoo dhammaaday barbardhac 2-2 ah iyadoo Red Devils oo laba gool deg-deg ugu horreeyay ay labada gool ee laga daba keenayba si qaldan iskaga dhaliyeen xilli dambe oo ciyaarta ah.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Tababare Jose Luis Mendilibar ayaan wax dhaawacyo cusub ah ka cabanayn, waxa Sevilla ka maqnaan doona daafaca midig ee Gonzalo Montiel oo kaadh jaale ah qaatay lugtii hore.

Sidoo kale waxaysan Sevilla ku tashan doonin Pape Gueye oo aan sharcigu ogolayn inuu Europa League ku metelo maadaama uu koox kale hore ugu soo ciyaaray xilli ciyaareedka.

Man United waxa dhaawacyo lugtii hore ku gaadhay kaga maqnaan doona Lisandro Martinez iyo Rapha Varane halka uu Bruno Fernandes ku maqnaan doono kaadh jaale sabab qariib ah lugtii hore lagu siiyay.

Sidoo kale waxa Manchester wali ka dhaawacan Van De Beek, Alejandro Garnacho iyo Tom Heaton halka McTominay uusan u muuqan mid jug gaadhay aan wali kasoo kaban.

Warka uu ku farxay tababare Erik Ten Hag ayaa ah inuu tababarka dib uga helay Luke Shaw, Tyrell Malacia, Marcel Sabitzer iyo Rashford oo dhaawacyo mudo kala duwan ku maqnaa.

Shaw ayaa la filayaa inuu daafaca dhexe dheelo isagoo Maguire meesha ka saaraya kana garab ciyaaraya Lindelof halka Sabitzer uu khadka dhexe kala soo muuqanayo Casemiro iyo Eriksen.

Rashford ayaa weerarka kula soo bilaaban kara Anthony Martial iyo Antony Santos taas oo la macno ah in Sancho keydka loo dhaadhicin karo.

Shaxaha Macquulka Ah

Sevilla (4-2-3-1): Bounou; Navas, Nianzou, Marcao, Acuna; Fernando, Gudelj; Ocampos, Rakitic, Oliver Torres; En-Nesyri

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka,, Lindelof, Shaw; Dalot, Casemiro, Eriksen; Antony, Sabitzer, Rashford; Martial

Xogaha Kulanka

Tartanka: Europa League

Garoonka: Ramon Sanchez Pizjuan

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Artur Dias (Portugal)