Hordhac: Spian Vs Croatia

0
55

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulanka ugu xiisaha badan euro 2024 ee manta ayaa dhexmari doona xulalka Spain Iyo Croatia kulan ka tirsan Group-ka B.

Labada xul ayaa ka mid ah xulalka ugu tunka weyn uguna khibrada badan qaarada yurub.

Xulka Spain oo u badan xiddigo da’yar ah ayaa kulanka soo galaya iyaga oo doonaya in ay guul ku bilowdaan tartanka.

Dhinaca kale Croatia oo u badan xiddigo da’ ah ayaa doonaya in ay khibradooda ku muquuniyaan xulka Spain isla markaas badiyaan.

Kulanka: Spian Vs Croatia

Tartanka: Euro 2024

Wakhiga: 7:00

Garoonka: Olympiastadion Berlin