Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda Real Madrid ayaa kulan aad u xiiso badan la qaadan doonta kooxda Valencia kulan ka tirsan horyaalka Dalka Spain ee La Liga .
Macalin Zidan oo labo kulan ooh ore hogaamiyey Kooxda Madrid marna ma uusan qasaarin kani waa kulanka ugu adag oo uu wajahayo oo cabsi badan laga qabo madaama Valencia ay tahay koox aan dab yar shideen .
Wararka labda koox ka hor kulanka :
Cristiano Piccini ayaa seegaya kulanka caawa ee ay kooxdiisu marti gilin doonto kooxda Madriid kaddib dhaawac ka soo garay canqowga , hadaba midkood xiidgaha Daniel Wass iyo Facundo Roncaglia ayaa ka soo muuqan doono dambeedka daafca midig .
Ferran Torres ayaa rajeenaya in uu ku soo bilowdo garabka midi gee weerarka waxa uuna booskaas kula dagalamayaa xidiga kale Carlos Soler.
Santi Mina ayaa dib ugu soo labanaya safka hore isaga oona booska weerarka kala bixi doono xidiga rere Farnce ee Kevin Gameiro , halka xidiga kale Denis Cheryshev uu isna booska ka badali doono laacibka reer Portugal ee Goncalo Guedes’ .
Dhica kale Real Madrid waxaa safkeeda ka maqna Nacho oo kulan ku seegay ganaax waxaana booskaas buuxinaya Raphael Varane oo nasiino la siiyey kulankii todobaadkii hore ee horyaalka .
Alvaro Odriozola ayaa sii wadan ka ciyaarista dambeedka daafac midi madaana uu wali dhaawacanyahay Dani Carvajal wallow wali uu ku shaqeenayo sidii uu usoo bogsan lahaa .
Marco Asensio iyo Lucas Vazquez ayaa ku soo bilaaban kara labada garab ee weerarka halka ciyaartoyda khadka dhexe ee Toni Kroos iyo Luka Modric ay dib ugu soo laabanyaa safka koowaad ee kooxda kaddib markii ay qateen kulan nasiino ah .
Ogeysiiska Ciyaarta :
Kulanka : Valencia VS Real Madrid (La Liga).
Goobta : Mestalla
Goorta : 10:30 oo habeenimo
Garsoorka : Santiago Jaime Latre
Xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey ka hor kulanka :
Real Madrid ayaa badisay 9-ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaarto (La Liga).
Valencia ayaa shabaqeeda gool u diiday shantii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaarto garoonkeeda kulamada horyaalka (La Liga).
Real Madrid ayaa guul daro la’aan ah 19-ka mid ah 21- kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahday Kooxda Valencia dhamaan tartamada.
Real Madrid ayaa dhalineysay ugu yaraan labo gool lixdii kulan ee ugu dambeyey ee horyaalka ay ku soo ciyaarto meel ka baxasan garoonkeeda .
Valencia waa guul daro la’aan 11-kii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ka ciyaaraan horyaalka (La Liga)
Eeg safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor inta aan la baasan ciyaarta.