Hordhaca Brazil Vs Serbia

0
159

Baladweyne (Radio Beerlula)-Brazil ayaa kulan u muuqda mid sahal u noqon kara waxa ay la ciyaarayaan Serbia inkastoo wax waliba tartankaan laga filan karo

Xogta Kulanka

Brazil waa ay badisay labadii kulan hore ee ay la yeesheen Serbia   , mid waxa uu ahaa wareegga Group-yada koobka aduunka ee 2018-dii xilligaas oo ay laba gool ku badiyeen , kan kale waxa uu aha saaxibtinimo  2014-tii

Brazil ayaa tartankaan ka qeyb galeysa markii 22-aad

Brazil waa bilaa guul darro 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee wareegga group-yada koobka aduunka , waxa ay badiyeen 12 jeer halka sedex jeer ay galeen bar bar dhac , markii ugu dambeeysay ee waregega Group-yada lagu garacay waxa ay aheyd 1998 xiligaas oo ay ku hor kufeen Norway.

Marka lagu daro 2022, Serbia waxay hadda u soo baxday afar ka mid ah shantii koob ee ugu dambeysay ee FIFA World Cup,