Hordhaca: kulamada galabta laga ciyaari doono tartanka Sere B ee Baladweyne.

0
71

Baladwayne ( Radio Beerlula )-garoonka kubad cagta Laqanya ee magaalada Baladwayne ayaa galabta martigelin doono laba kulan oo aad u xiiso badan kuwaas oo qayb ka ah horyaalka heerka labaad ee Sera B-da.

kulanka u horeeyo waxaa la ciyaari doono saacada marka ay tahay 2:30pm ee galabnimo waxaana fooda is dari doono kooxaha Fiiltare VS Holwadaag Stars.

halka kulan ciyaareedka labaad ay wada ciyaari doonaan kooxaha SYL VS Xidigaha Buundoweyn saacada geeska afrika marka ay soo buux dhaafiso 4:30pm ee galabnimo.

Afartaan kooxood ee wada ciyaaraya galabta ayaa laba kamid ah waxa ay u gudbi doonaan heerka saddexaad ee tartanka halka labada kalana ay ka hari doonaan.