Hordhaca :Leicester City Vs Man City :

0
156

Baladweyne (Radio Beerlula)-Man City ayaa kulan adag oo horyaalka ah waxa ay la ciyaarayaan Leicester City  xilli Haaland xaaladiisa dhaawac la qiimeynayo kaasi oo badal uga baxay kulankii Dortmund ee Champion-ka

Xogta Kulanka

Manchester City ayaa badisay sagaal ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League, waxayna sameyn kartaa afar guul oo xiriir ah oo ay Leicester ka gaarto  markii ugu horeysay tan iyo 1934 ilaa 1950.

City waxa ay sidoo kale badiyeen seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdaan King Power Stadium iyagoo aan wax gool ah laga dhalin.

Foxes ayaan laga badinin seddex kulan oo horyaalka ah, waxaana ay u tartamayaan inay badiyaan seddex kulan oo xiriir ah markii ugu horeysay tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii hore.

Vardy ayaa sideed gool ka dhaliyay Premier League Manchester City, kaliya goolal intaaska badan waxa uu ka dhaliyay Arsenal iyo Watford.

Manchester City ayaa badisay kaliya seddex ka mid ah sideedii kulan ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan (4-bar-baro, iyo 1 guul darro).