Baladweyne (Radio Beerlula)- Man United ayaa isha ku haysa inay boos ka samaysato wareega shanaad ee FA Cup-ka kahor kulanka ay wareega afraad caawa la ballansantahay kooxda Reading.
Tababare Ten Hag oo jadwalka Man United aad cidhiidhi ugu yahay ayaa Arbacadii uun ciyaaray afar dhammaadka Carabao Cup oo ay lugtiisa labaad markale gudaha toddobaadkan dheelayaan.
Reading ayuu hoggaaminayaa halyeeyga Man United ee Paul Ince kaas oo isku dayi doona inuu Old Trafford ku dhibo Red Devils.
Man United waxa wali dhaawacyo kaga sii maqnaan doona Anthony Martial, Diogo Dalot, Van De Beek iyo Tuanzebe.
Warka u wanaagsan Red Devils ayaa ah in tababare Erik uu xaqiijiyay in Jadon Sancho oo mudo dheer maqnaa uu kasoo muuqan karo ciyaartan.
Harry Maguire oo kulankii Nottingham ganaax ku seegay iyo Lindelof ayaa daafaca dhexe kasoo wada muuqan kara iyadoo Wan Bissaka iyo Malacia garbaha daafaca dheelayaan.
Sidoo kale goolhaye Jack Butland ayaa ugu soo bilaaban kara Red Devils halka ay fursad heli karaan da’yarta kala ah Garnacho, Elanga, Mainoo iyo Pellistri.
Dhinaca Reading waxa ka dhaawacan xiddigaha kala ah Sam Hutchinson, Liam Moore, Naby Sarr, Dejan Tetek, Andy Carroll halka uu shaki ku jiro Ovie Ejaria.