Horudhac: Barcelona vs Rayo Vallecano

0
214

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Barcelona ayaa doonaysa inay sida ugu fiican ku bilaabato caawa horyaalka La Liga fasal ciyaareedkiisa 2022-23, marka ay garoonkooda Camp Nou ku soo dhoweynayaan Rayo Vallecano.

Catalan ayaa kaalinta labaad ee horyaalka ku dhammaysatay xilli ciyaareedkii hore, iyadoo 13 dhibcood ka dambeysay kooxda horyaalka ku guuleysatay ee Real Madrid, halka Rajo Vallecano ay ku dhammayusatay kaalinta 13-aad.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Kooxaha: Barcelona vs Rayo Vallecano

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Spotify Camp Nou

Garsooraha: Alejandro Hernandez (Spain)