Horudhac: Leeds United vs Arsenal

0
177

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mid ka mid ah labada kulan ee caawa laga ciyaari doono horyaalka Premier League ayaa dhex mari doona kooxaha Leeds United iyo Arsenal iyadoo ay baaqdeen illaa iyo afar kulan oo maanta illaa caawa lagu madalsanaa in laga ciyaaro horyaalka Ingiriiska sababo la xiriira kiisas Korona ah oo isa soo taray todobaadkii dambe.

Leeds ayaa dhex maquurraneysa maalmo adag iyadoo si xiriir ah u wajahday Chelsea oo ay barbarro lasoo gashay, Manchester City oo ay guuldarro kala kulantay iyo Arsenal oo ay caawa wajeyso, waxayna haatan leedahay 16-dhibcood iyadoo ku jirta kaalinta 16-aad, dhanka kale, Arsenal ayaa dooneysa inay sii xoojisato booskeeda afaraad iyo dhabbaha guusha oo ay cagta la heshay kaddib labadii guul ee ugu dambeysay, waxayna haatan kaalinta afaraad ku joogtaa 29 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 08:30 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Elland Road

Garsooraha: Andre Marriner (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here