Horudhac: Real Madrid vs Real Betis

0
345

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa raadinaysa guusheedii saddexaad oo xiriir ah tartammada oo dhan marka ay garoonkeeda Bernabeu caawa oo Sabti ah ku soo dhoweynayso Real Betis.

Kooxda hoggaamiyo macallin Zinedine Zidane ayaa 5-0 uga soo badisay Leganes Arbacadii, waxaana ay u soo dhaqaaqeen kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, halka Betis ay fadhiso kaalinta 16-aad ee kala horreynta horyaalka kaddib markii ay la yimaadeen 12-dhibcood 11 kulan oo ay dheeleen.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti, 02 Nof 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 11:00 habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Jose Maria Sanchez Martinez (Spain)

Garoonka: Santiago Bernabeu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here