Horudhac: West Ham United vs Chelsea

0
621

Baladweyne (Radio Beerlula)- Kooxaha ka wada dhisan caasimadda Ingiriiska ee London ee kala ah West Ham United iyo Chelsea ayaa ku hardami doona kulanka ugu horreeya ee Horyaalka Premier League todobaadkan.

Labadan naadi ayaa qayb ka ah kooxaha ku jira afarta boos ee ugu sarreeya jadwalka kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo West Ham oo ku jirta kaalinta afaraad ay leedahay 24 dhibcood, halka ay Chelsea hoggaanka horyaalka ku heyso 33 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 03:30 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: London Stadium

Garsooraha: Andre Marriner (England)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here