Horudhaca kulanka Arsenal vs Burnley: Kooxda Gunners oo raadinaysa guusheedii labaad oo xiriir ah horyaalka Premier League

0
286

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa marti gelinaysa naadiga Burnley kulan ka tirsan horyaalka Premier League maanta oo Axad ah iyadoo indhaha ku haysa inay gaarto guusheedii labaad oo xiriir ah horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan cusub.

Labadan kooxood ayaa guulo ku furtay horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan, Gunners ayaana guul 1-0 ka gaartay  Newcastle United, halka Clarets kooxda lagu naanayso ay 3-0 uga adkaatay kooxda Southampton kulankii ka dhacay Turf Moor.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Taariikhda: Sabti, 17 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 2:30 duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Mike Dean (England)

Garoonka: Emirates Stadium (London).

Wararka Kooxaha:-

Alexandre Lacazette oo ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii todobadii hore ka dhacay garoonka St James’ Park ayaa kulankiisii ugu horreeyey xilli ciyaareedkan ku soo bilaaban kara maanta.

Nicolas Pepe ayaa sidoo kale rajaynaya inuu kulankiisii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah safka hore ugu soo bilowdo kooxdiisa cusub ee Gunners kaddib markii uu kursiga keydka ka soo kacay kulankii la soo dhaafay ee isbuucii hore.

Ashley Barnes ayaa labo gool dhaliyey kulankii kooxdiisa Burnley ay Southampton ku garaacday garoonka Turf Moor, sidaas darteed waxa uu rajaynayaa inuu goolashiisa sii badsado kulankan ay wajahayaan kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Steven Defour iyo Robbie Brady ayaana ka sii maqnaan doona kulankan kooxda Clarets lagu naanayso.

Xiddigaha Arsenal ee Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac ayaa todobaadkan tababarka ku soo laabtay kaddib markii ay sababo ammaan la maqnaayeen waxaa la filayaa inay kulankan ciyaari doonaan.

Granit Xhaka oo xanuun ka qaba dhabarka iyo lugta ayaa isagana la qiimeyn doonaa xaaladdiisa, halka Kieran Tierney, Hector Bellerin, Rob Holding iyo Dinos Mavropanos ay Gunners ka sii maqnaan doonaan.

Danny Drinkwater ayaan ku lug yeelan doonin kulanka Burnley, laakiin Charlie Taylor ayaa taam ah oo la safray shaxda kooxda ee wajahaya Gunners.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Arsenal ayaa guul gaartay tobankii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday kooxda Burnley tartammada oo dhan, waxaana sheekadan ay sii tixnaan kartaa tan iyo bishii Maarso 2010-kii.

>- Burnley  ayaa guul gaartay hal kulan oo kaliya 19-kii kulan ee iyadoo marti ah ay booqatay oo ay la ciyaartay Arsenal tartammada oo dhan, waxaana guushaas ay gaareen kulan 1-0 ay ku adkaadeen oo ka dhacay garoonka Highbury bishii September sanadkii 1974-kii… iyagoo ka haysta 1 guul, 3 barbaro iyo 15 guuldarro.

>- Horyaalka Premier League, Arsenal ayaa guulaysatay sagaalkeedii kulan ee ugu dambeeyey oo ay wajahday Burnley, waxaa kaliya ka badan Man City oo ka adkaadtay 11 kulan oo xiriir ah intii u dhaxaysay 1994 iyo 2004 & Newcastle United oo ka badisay 10 kulan oo horyaalka ah oo isku xiga intii u dhaxaysay sanadihii 2012 iyo 2017.

>- Kooxda Arsenal ayaa guul ku gaartay garoonka Emirates dhammaan todobadii kulan oo ay kula ciyaartay Burnely, waxaa ay kaga dhalisay 21 gool, halka looga dhaliyey kaliya afar kulan, kooxda kaliya oo ay Gunners garoonkeeda guulaha ugu badan kaga gaartay tan iyo xilli ciyaareedkii 2006-07 waa Stoke City oo ay kulan kasta guul ka heshay…iyadoo ka haysata 10 kulan 10 guul.

>- Arsenal ayaa eegeysa inay gaarto labo guul oo isku xiga bilowga xilli ciyaareedka ee horyaalka Premier League markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2009-10, markaasoo labadeeda kulan ee furitaanka horyaalka ay garaaceen Everton iyo Portsmouth.

>- Burnley ayaan marnaba guul gaarin labadeeda kulan ee ugu horreeya xilli ciyaareedka horyaalka Premier League, markii ugu dambeysay oo ay sidaan sameyso waxay ay ahayd horyaalka sare ee 1973-74 waana ka hor inta aan la bixin magaca EPL, halka ka sameeyeen Championship xilli ciyaareedkii 2006-07.

>- Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa min labo gool dhaliyey dhammaan saddexdii kulan ee horyaalka Premier League uu ku wajahay Burnley, kaliya labo ciyaaryahan ayaa dhaliyey labo gool ama ka badan afar kulan oo ay wajaheen kooxo ay ka soo horjeedaan; waana Michael Owen vs Newcastle United intii u dhaxaysay 1998 iyo 2001 & Harry Kane vs Everton intii u dhaxaysay 2017 iyo 2018.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here