Horudhaca kulanka galabta kooxaha Southampton vs Liverpool ee horyaalka Premier League

0
300

Baladweyne(Radio Beerlula)- Kooxda kubadda cagta Southampton ayaa soo dhoweynaysa naadiga Liverpool kulankooda labaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

Kaddib markii ay bartamaha todobaadkii hore ku soo guuleysteen UEFA Super Cup, kooxda Liverpool ayaa dib ugu soo laabanaysa ciyaarista horyaalka Premier League maanta oo Sabti ah, waxaana ay u safrayaan garoonka St Mary’s Stadium, halkaasoo ay ku wajahayaan Southampton.

Reds ayaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ku bilowday guul 4-1 oo ay garoonkeeda kaga gaartay Norwich City, balse Saints kooxda lagu naanayso ayaa guuldarro 3-0 kala kulantay Burnley, macallin Ralph Hasenhuttl ayaana rajaynaya in kooxdiisa Southampton ay bandhig cajiib ah sameyso kulankan galabta.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Premier League

Taariikhda: Sabti, 17 Agoosto 2019

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 5:00 Galabnimo xilliga geeska Afrika.

Garsooraha: Andre Marriner (England)

Garoonka: St Mary’s Stadium

Wararka Kooxaha:-

Southampton ayaa haysata koox caafimaad qabta oo taam ah kulankan, kabtan Pierre-Emile Hojbjerg ayaana haatan ka soo kabsaday jirro uu la maqnaa.

Saxiixyada xagaaga ee Kevin Danso iyo Moussa Djenepo ayaa galabta ciyaari kara kulankoodii ugu horreeyey.

Goolhayaha Liverpool ee Alisson oo garoomada dhaawac kubka ah uga maqnaan kara muddo lix todobaad ah ayaa seegaya kulankan.

Goolhaye Adrian ayaa sidoo kale shaki laga galinayaa inuu Liverpool u dheeli karo kulankan kaddib dhaawac ka soo gaaray Canqowga, taasoo la micno ah in 35 sano jirka Andy Lonergan uu Reds u safan karo kulankiisii ugu horreeyey.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Southampton ayaa guuldarro la kulantay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay wajahday Liverpool, waxaana laga dhaliye 11 gool, halka ay dhaliyeen kaliya hal gool.

>- Liverpool ayaa kaliya hal guuldarro la kulantay 11-keedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay la dheeshay Southampton waxaana ay ka haysataa 7 guul iyo 3 barbaro.

>- Kooxda Liverpool ayaa soo gabagabeysay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore 2018-19 iyadoo bannaanka ku soo gaartay afar kulan oo xiriir ah horyaalka, mana gaarin shan guul oo xiriir ah iyadoo ku ciyaareysa meel ka baxsan garoonkeeda tan iyo intii u dhaxaysay bilihii February iyo April 2014, markaasoo ay bannaanka ku soo gaareen lix guul oo xiriir ah kulamada horyaalka.

>- Southampton ayaa gool laga dhaliyey isla markaana dhalisay 13 ka mid ah 14-kii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League oo ay garoonkeeda ku ciyaartay, waxaana inay garoonkeeda gool ku dhalin weyso ugu dambeysay bishii February markaasoo ay 2-0 kaga adkaatay kooxda Fulham.

>- Kani waa kulankii saddexaad ee dhexmaray labada tababare ee Ralph Hasenhuttl iyo Jürgen Klopp tartammada oo dhan, Klopp ayaana guuleystay labadii kulan ee ugu dambeeyey, waxaana ay kala yihiin isagoo Borussia Dortmund wata oo uu wajahay  VfR Aalen koobka DFB-Pokal bishii October sanadkii 2012-kii iyo 3-1 oo ay Liverpool guul ka gaartay kooxda Southampton xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

>- 12 kulan oo horyaalka Premier League ay ku jawaheen kooxaha ka socda South coast ee Brighton, Bournemouth iyo Southampton, Weeraryahanka Liverpool ee Mohamed Salah ayaa shabaqa soo taabtay 11 ka mid ah kulamadaas, waxaana uu dhaliyey 14 gool isagoo caawiyey saddex gool oo kale.

>- Da’yarka kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa loo diiwaan geliyey gool caawin shantii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League, taariikhda horaalka Premier League kaliya labo ciyaaryahan ayaa loo diiwaan geliyey inay caawin sameeyeen lix kulan oo xiriir ah waana Cesc Fabregas oo lix caawin sameeyey intii u dhaxaysay April 2011 illaa September 2014 iyo Mesut Ozil oo 7 caawin sameeyey intii u dhaxaysay September illaa November sanadkii 2015-kii.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Kulamada kale ee horyaalka Premier League kuwaasoo waqti isku mid ah la soo galaya Liverpool maanta:-

5:00 Galabnimo Aston Villa vs AFC Bournemouth

5:00 Galabnimo Brighton & Hove Albion vs West Ham United

5:00 Galabnimo Everton vs Watford

5:00 Galabnimo Norwich City vs Newcastle United

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here