Horudhaca Man City iyo Brentford

0
149

Baladweyne (Radio Beerlula)-Man City ayaa kulan si sahal u ah wax ay  ku marti gilineysaa Brentford, waxa ayna ku leeyohiin rikooe guulo ah

Xogta Kulanka

Brentford ayaa laga badiyay afar kulan oo isku xigta oo ay wajahday Manchester City tartamada oo dhan tan iyo markii ay 2-1 kaga badiyeen Griffin Park ee League Cup bishii September 1989kii.

Waxa ay ku kulmeen horyaalka markii ugu horeysay muddo 70 sano ah xilli ciyaareedkii hore. City ayaa ku badisay 1-0 iyadoo marti ah ka  dibna 2-0 oo ay ku badisay garoonkeeda.

Brentford ayaa laga badiyay lix ka mid ah todobadii kulan ee ay marti  u ahaayeen Manchester City tartamada oo dhan, marka laga reebo 2-0 ay kaga badiyeen horyaalka heerka kowaad ee Maine Road maalintii Christmas-ka ee 1937kii.

City ayaa barbareysay rikoorka kooxda ee 16 guul oo xiriir ah oo gurigooda ah tartamada oo dhan, waxaana la dhigay intii u dhaxeysay November 1920 iyo Ogosto 1921.

Waa 11 guul oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay gaarto kooxda Pep Guardiola, waana rikoorkoodii ugu fiicnaa tan iyo 14 kulan oo xiriir ah xilli ciyaareedkii 2017-18.

Haaland waxa uu noqon karaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Manchester City ah ee gool ka dhaliya todobo kulan oo isku xigta oo heerka sare ah  iyadoo joogta guriga tan iyo David White laga soo bilaabo December 1991 ilaa February 1992.

Brentford ayaan wax guul ah gaadhin todobadii kulan ee ay soo ciyaartay  Premier Leaque meel ka baxsan garoonkeeda xilli ciyaareedkan, afar barbaro ayay la gashay saddex guuldaro.