Horudhaca; Portugal Vs Ghana

0
105

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kulan ayuu noqonayaa midkaan dhex marayaa Ghana iyo Portugal kuwaasi oo horay kaliya hal jeer isu arkay

Xogta Kulanka

Xulalka Portugal iyo Ghana ayaa isku arkay kaliya wareega group-yada ee koobka aduunka 2014. Portugal ayaa 2-1 ku badisay, waxaana u dhaliyay Cristiano Ronaldo.

Portugal ayaan wax guul ah gaarin saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee furitaanka koobka adduunka (D2 L1).

Ghana ayaa markii 4-aad ka soo muuqan doonta Koobka Adduunka ee FIFA, mid kasta oo ka mid ah kuwan waxa uu yimid qarnigii 21-aad. Waxa ay ku guuldareysteen in ay ka gudbaan heerka group-yada hal mar oo kaliya ka hor, inkastoo tani ay aheyd ka qeyb galkoodii ugu dambeeyay ee 2014.

Ghana waxa ay gaartay sideed dhamaadka FIFA World 2010, taasoo ah markii ugu fiicneyd qaran Afrikaan ah tartankaan meel wacan ka gaaro  iyadoo Cameroon iyo Senagal ay  ku wehliyaan 1990/ 2002.