Horumar laga sameeyay daawada kansarka ilmo galeenka

0
168

Baladweyne (Radio Beerlula)-Saynisyahanada ayaa sheetay in laga yaabo in ay sameeyeen horumarkii ugu waynaa ee daawaynta kansarka ilma-mareenka muddo 20 sano ah, iyaga oo isticmaalaya dawo hadda la helo oo raqiis ah ka hor daaweynta shucaaca caadiga ah.

Natiijooyinka tijaabada ah, oo lagu muujiyey shirkii caafimaadka ee ESMO, ayaa muujinaya habka loo jarayo khatarta ah in haweenku u dhintaan cudurka ama kansarku uu noqdo 35%.

 

Waxda baarta Kansarka UK, oo maalgelisay shaqadan, ayaa natiijada ku tilmaantay “wax cajiib ah”.

 

Waxa ay rajaynaysaa in rugaha caafimaadku ay dhawaan bilaabi doonaan in ay sidaas oo kale u sameeyaan bukaanka.

 

Kansarka ilmo-galeenka wuxuu ku dhacaa kumanaan haween ah sannad kasta gudaha Boqortooyada Midowday, qaar badan marka ay ku sii dhwayhiin 30 jir ah.