Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ciidamada booliska magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa soo bandhigay Tooriyo, iyo Budad ay ku soo qabteen howlgalo ay ka sameeyeen xaafaddaha iyo jidadka magaalada Burco kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay lagu geystay dilal iyo dhaawacyo.
Saraakiisha ciidamada booliska gobolka Togdheer, iyo kan degmada Burco ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu soo bandhigayay hubkan fudud oo aheyd saldhiga booliska.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan
Audio Player