Howlgal lagu soo qabtay maandooriyaal iyo dadkii watay oo laga sameeyay Boosaaso.

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ciidamada booliska Puntland ee ka howgala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa howlgalo lagula dagaalamaya waxyaabaha maanka dooriya kasameyay koontaroolada iyo xaafadaha boosaaso waxana ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya sida qamri , xashiishka iyo dadkii watay oo ka ganacsanayay.

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Cabduqaadir Jaamac dirir ayaa uga mahadceliyay howlgalka ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya waxana uu sheegay in markasto ay diyaar u yihiin la dagaalanka maan dooriyaha.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.