Howlwadeenno ka tirsan hay’adda mareynta masiibooyinka qaranka oo tababar looga furay Muqdisho

0
263

Baladweyne (Radio Beerlula)- Guddoomiyaha hey’adda maareynta masiibooyinka qaranka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho tababar uga furay howlwadeeno ka mid ah hay’adda mareynta masiibooyinka gaar ahaan waaxda caafimaadka iyadoo tababarkan lagu baran doono gurmadka deg deg ah.

Tababarkan oo socon doona muddo todobo maalmood ah ayaa waxaa taaba galinaya tababarka isbitaalka Madiina iyo Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka waxana kaqeyb galay furitanka tababarka agaasimaha isbitalka Madina, dhaqaatiir iyo mas’uuliyin kale.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi.