Howlwadeeno ka tirsan waaxda dab damiska gobolka Banaadir oo tababar looga furay Muqdisho.

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tababar magaalada Muqdisho uga furay howlwadeenno ka tirsan waaxda dab damiska howladda Hoose ee Xamar kaasoo socon doonaa muddo todobo maalmood ah.

Tababarkan ayaa ah mid kor loogu qaadayo aqoonta howlwadeennada waaxda dab damiska gobolka Banaadir iyadoo tababarka ay bixin doonaa howlwadeenno ka socda magaalada Konya ee dalka Turkiga.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey