Hubanti la’aan ka jirto Gaza kaddib wajiga koowaad ee xabbad joojinta

0
158

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Saraakiil sare oo ka tirsan Xamaas ayaa Sabtidi sheegay, in wareeggi ugu danbeeyay ee wadahadallada wajiga labaad ee heshiiska xabbad joojinta Israa’iil iyo Xamaas aanan laga gaarin wax hurumar ah.

 

Wadahadallada kordhinta heshiiska xabbad joojinta ayaa waxaa dhinacyada u kala dab qaadaya, saraakiil ka kala socota Mareykanka, Masar iyo Qatar, waxana kulamadi ugu danbeeyay ay maalmahani ka dhacayeen magaalada Qahira ee caasimadda Masar.

 

Wajiga koowaad ee heshiiska ayaa ku ekaa Sabtidi shalay, hase yeeshee heshiiskaasi ayaa dhigayay in aanan xabbada la billaabin inta ay socdaan wadahadallada loogu gogol xaarayo wareegga labaad ee xabbad joojinta labada dhinac.

 

Rajada ayaa ah in la dhameeyo colaadda hadda ka taagan Gaza ee ay kumannaanka kun ee qof ku dhinteen. Xamaas ayaa dalbatay in dhammaan ciidanka Isra’il ay ka baxaan Gaza, halka Isra’il ay dooneyso in lasoo celiyo la heystayaasha ku haray Gaza. Isra’il waxay sheegtay in 32 ka mid ah 59-ka la heyste ee ku haray gacanta Hamaas ay dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here