Baladweyne ( Radio Beerlula )-Malaayiin qof oo adduunka ku nool ayaa ka cabanaya xusuustooda oo hoos u dhac weyni ku timid, taas oo ah mid walaac ku haysa dad badan.
Sida ay sheegeen Saynisyahannadu waxa jira khaladaad dhinaca hurdada ah oo qofku sameeyo, sida hurdo aan ku filnayn oo uu seexdo, taas oo keenta in ay dhaawaci karaan Neerfayaasha qofka iyo in ay hoos u dhacaan dhinaca garashada qofku.
Daraasad dhawaan lagu daabacay joornaalka Neuron, oo ay sameeyeen khuburro ka socota Jaamacadda Washington, waxa ay xoojisay doorka muhiimka ah ee hurdadu ka qaadato caafimaadka maskaxda, iyada oo soo jeedinaysa in khaladaadka hurdada ay si degdeg ah u dedejin karaan dhaawac neerfayaasha ah iyo hoos u dhaca xusuusta.
Cilmi baadhistu waxa ay ku talisay in loo baahan yahay in ay muhiim tahay in mudnaanta la siiyo in qofku seexdo hurdo ku filan, si taasi u noqoto in lagu yareeyo khatarta cudurrada neerfaha iyo hoos u dhaca xusuusta qofka.


