Ian Wright Oo Saadaal Lama Filaan Ah Ka Bixiyay Kulanka Chelsea iyo Brighton

0
135

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahankii hore ee Arsenal, Ian Wright, ayaa sameeyay saadaal layaab leh oo ku saabsan kulanka Premier League ee u dhexeeya Chelsea iyo Brighton oo ka dhici doona garoonka Stamford Bridge.

Chelsea oo todobaadkii hore 2-1 guuldarro kala kulantay Manchester United ayaa doonaysa inay dib ugu soo laabato wadada guusha.

Kooxda uu hogaamiyo Enzo Maresca ayaa haatan kaalinta lixaad kaga jirta miiska Premier League kaddib shan kulan, halka Brighton ay ku jirto kaalinta 14-aad iyadoo kaliya hal guul heshay shantii kulan ee hore ee horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Wright ayaa aaminsan in Brighton ay guul ku gaari doonto galbeedka London dhamaadka usbuucan.

Brighton ayaa Talaadadii si xun 6-0 ugu xaaqday Barnsley tartanka Carabao Cup.

“Brighton ayaa garaaci doonta,” ayuu Wright u sheegay barnaamijka Stick to Football podcast.

“Waxaan doorbidi lahaa Brighton markaan eego wixii aan arkay.”

Dhanka kale, difaacii hore ee Liverpool, Jamie Carragher, ayaa ka hor yimid saadaasha Wright, isagoo sheegay in Chelsea dib ugu soo noqon doonto dhabbada guusha.

“Anigu waxaan saadaalinayaa guul Chelsea ah, waxayna ku badin doonaan 2-1,” ayuu Carragher ku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here