Iiraan iyo Mareykanka oo Maxaabiis Is-dhaafsaday

0
72

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Dowladda Iiran ayaa sii daysay maxaabiis Maraykan ah, halka dawladda Maraykankuna ay sii daysay lacag dhan 6 bilyan oo dollar oo dawladda Iran ay ka xannibtay.

Shan qof oo uu dhasahy dalka Mareykanka oo sannado ku xirnaa dalka Iran ayaa lasii daayay maanta ,  iyadoo maxaabiis la isku weydaarsanayo.

Shan qof oo Iiraaniyiin ah oo ku jira xabsiyada Mareykanka ayaa sidoo kale la sii deyn doonaa, heshiiskaas oo Qatar dhexdhexaadineyso ayaa ah mid adag oo muran badan dhaliyay. dadka la sii daayay ayaa hadda ka soo dagay Doha.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in 30 qof Mareykan ah oo si xaq darro ah loogu xiray adduunka oo dhan lagu soo celiyay guryahooda inta uu maamulka hadda jira.

Wuxuu sheegay in Biden uu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu qaato go’aamo adag si dadka Amerikaanka ah ee ku xiran dibada loo soo fasaxo.