Iiraan oo ku dhawaaqday inay hakisay heshiiska Nuclear-ka.

0
351

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dowladda Iiraan ayaa ku dhawaaqday inay hakad galineyso heshiiskii farsamada Nuclear-ka, kadib markii uu sii xumaaday xiriirka u dhaxeeya Tehran iyo Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Rowxaani ayaa sheegay inuu gudaha dalkiisa ku hayn doono uranium-ka la tayeeyay, halkii uu dibedda u iib geyn lahaa, sida ku xusan heshiiska.

“Maanta dowladda Islaamiga ah ee Iiraan waxay hakineysaa labo arrimood; haddaan si kale u dhigo, waxaan joojin doonnaa iibinta labo shey. Laga billaabo maanta, lama iibin doono macdanta uranium-ta ama biyaha culus toona. Go’aanka aan ku dhawaaqnay wuxuu socon doonaa muddo 60 maalmood ah”, ayuu yidhi Rowxaani.

Waxa uu sidoo kale ku gooddiyay in laba bilood gudahood uu dib ugu billaabi doono barnaamijka sare u qaadidda tayada uranium-ka.

Heshkii 2015-kii ayaa looga gol lahaa in lagu dhimo hamiga Nuclear-ka ee Iran, taas bedelkeedana dalkaasi laga khafiifiyo cunaqabateynta saaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here