Iiraan oo marinka Hormuz ku qabsatay markab nooca shidaalka qaada ah oo UK laga leedahay

0
301

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK, Jeermi haant ayaa sheegay in Cawaaqib xun ayaa ka dhalan doona haddii Iiraan aanay sii dayn markabka ku safrayay calanka Britain oo ay ku qabsatay  Gacanka, Hormuz.

Hunt ayaa sheegay in markabkan ay isku gadaameen afar doomood iyo diyaar qumaatiga u kacda.

Markabkan ayaa waxaa saaran 23 shaqaalo ah.

Gacanka Hormuz ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka aloosan xiisad u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan iyadoo Iran ay soo riday diyaarad uu lahaa Mareykanka,sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay soo rideen diyaarada Iran ay leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here