Baladweyne(Radio Beerlula)- Diyaarad aan duuliye la socon ah oo ay leeyihiin milatariga Maraykanka ayaa lagu soo ridday gantaal ay Iiraan leedahay, iyadoo maraysa hawada caalamiga ah ee ka sarraysa marinka Hormuz, sida ay sheegeen masuuliyiin Maraykan ah.
Ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa sheegay in ay soo rideen diyaaradda aan duuliye lahayn oo ku jirta hawada Iiraan, meel u dhaw Kuhmobarak oo ka tirsan gobolka Hormozgan ee dhanka koonfureed ku yaalla.
Taliyaha ciidammada ilaalada kacaanka Xuseen Salami ayaa sheegay “in arrintan ay fariin cad u dirayso Maraykanka”, sida ay ku warrantay warbaahinta Dawladda.
Waxay imanaysaa iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.
Isniintii ayuu Maraykanku sheegay in uu Bariga Dhexe u dirayo 1,000 askari oo dheeri ah.