Iiran oo heshay kayd cusub oo gaaska dabicii ah

0
94

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Iiraan ayaa heshay kayd cusub oo gaaska dabicii ah oo lagu qiyaasay 10 tirilyan oo cubic feet oo qiime ahaan ku dhow 50 bilyan oo dollar , taas oo si weyn u kordhinaysa kaydka tamarta dabiiciga ah ee Iiraan.

Iiraan hore ayay ugu jirtay kaalinta labaad ee adduunka ee dalalka heysta kaydka ugu badan ee gaaska dabiiciga ah , kaliya waxaa ka horreeya Ruushka,balse helitaankan cusub ayaa ka dhigan in awooddeeda tamareed ay sii ballaaratay, sida ay werisey RT.

Ku dhawaaqista inay Iiraan heshay kayd cusub oo gaaska daiicaga ah waa mid aan laga soo dhaweynayn Mareykanka iyo Israa|l oo ku qasban inay sameeyaan fallanqeyn, maadaama helitaankan uu kordhinayo awoodda dhaqaale, siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here