Iiran oo ‘ toogasho ku xukuntay basaasiin CIA-da u shaqaynayey’

0
348

Baladweyne(Radio Beerlula)- Iiran ayaa xabsiga dhigtay 17 basaas oo ay sheegtay in ay u shaqeynayeen CIA-da Maraykanka, waxayna qaar ka mid ah ku xukuntay dil toogasho ah.

Wasaradda mukhaabaraadka ayaa sheegtay in dadka la tuhunsan yahay ay xog ka aruurinayeen dhinacyo dhowr ah – oo ay ka mid yihiin ciidamada militariga iyo Goobaha ay ka socdaan hawlaha nuclear-ka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa beeniyey sheegashadaas, asagoo sheegay in warkaas “uu gebi ahaanba been yahay”.

Xiisad ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhex aloosnayd xukuumadaha Washington iyo Tehran.

Madaxweyne Trump ayaa sannadkii hore isaga baxay heshiiskii caalamiga ahaa ee nuclear-ka Iran, waxaana Maraykanku uu Iran ku soo rogay cunaqabataynno adag.

Toddobaadyadii u dambeeyey, labada dal ayaa qarka u fuulay in dagaal militari uu dhex maro.

Iran ayaa sheegaysa in basaasyadan oo ay sheegtay in ay u shaqaynayeen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, la xidhay muddo haatan laga joogo 12 bilood ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here