“Illahay Ayaan Tallo Saaran Doonaa”:- Muxuu Tababaraha Xulka Qaranka Somaliya Ee 17 Jirada Ka Yidhi Kulanka Congo Ee Caawa

0
104

Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha xulka qaranka 17 Jirada Somaliya ayaa ka hadlay kulanka uu xulka qarankeenu caawa la ciyaari doono dhigiisa Congo kulan ka tirsan wareega 2-aad ee koobka Africa.

Xulka Somaliya ayaa isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay guuldaro ku bilowdeen tartanka ka socda dalka Algeria.

Tababare Noor Muhammad Amin ayaa wax laga waydiiyay kulanka ay caawa la ciyaari doonaan xulka Congo iyo in labada xulba laga badiyay kulankii furitaanka.

Noor Muhammad Amin oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Insha allah kulanka 2-aad, waxa aan ciyaari doonaa ciyaar fiican”.

Inkasta xiddigahaygu haysan khibrad fiican oo heerarka sare ee Africa ah maadama aan wakhti dhaw soo doortay oo ayna tababar badan wada qaadan, kulankii hore, xulka Algeria waa xul fiican sababta oo ah xiddigohoodu waxa ay haystaan kalsooni kubada cagta ah”.

“Kulanka Congo Insha allah waxa aanu ciyaari doona ciyaar nidaamsan, kubad fiican, sidoo kale waxa aan tallo saaran doonaa Illahay”.

“Insha allah waxa aan haystaa kalsooni ah in aan badin doono kulanka Congo”ayuu tababaruhu sii raaciyay.